©ICRC
In ka badan toban sannadood dagaalaadii iyo rabshooyiinki ka dhacay Soomaaliya waxay sababeen kala qaybsanaanta bulshada iyo burburka xiriirka qoysaska. Sidaa daraadeed waxaa yaraaday awoodii ama fursadii xiriirka qoysaska. Barnaamijka baafinta ee ay wadajirka isaga kaashadaan Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo BBCda waa barnaamij shan iyo toban (15) daqiiqo lagu baafinaayo dadka maqan. Wuxuuna hawada soo galaa lix maalmood todobaadkiiba laga bilaabo Sabti iyo Khamis 5.15.-5.30 galabnimo iyo Axad ilaa Arbaco 5:30-5:45 galabnimo mawjadaha ama hirarka gaagaaban. Codsiga baafinta waxaa la isticmaalaa marka lagu guul dareysto fariimo la diray oo dib loogu soo celiyay diraha ama wax xog ah laga hayo la baafiyaha. |
![]() Liiska soo socda waxaad ka heli kartaan magacyada dadka maqan ee laga baafiyey lixdii bilood ee la soo dhaafay ama codsasho baafineed looga furay Xafiisyada Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas. (Last update 09.03.2010) Haddii aad magacaaga ku aragtid liiskan, ama magac qof qaraabadaada ah oo la raadinayo ama aad akhbaar sugan ka haysid dad ka maqan qoyskooda. Fadlan kala xiriir xogta qofka, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC). Wixii faafaahin dheeraad ah
Ergeda Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas
Ururada Laanqeyraha Cas iyo Bilaha Cas |